Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Markab laga leeyahay Libiya oo la Afduubay


Markab laga leeyahay Libiya oo la Afduubay
Markab laga leeyahay Libiya oo la Afduubay

Markab laga leeyahay Libiya oo ay burcadbadeed Soomaali ah ku soo xireen agagaarka Laas Qorey ayaa wararku sheegayaan inuu halkaasi ka dhaqaaqay.

Guddoomiyaha degmada Laas Qorey Yuusuf Jaamac Dibad ayaa VOA-da u xaqiijiyay in maamulkiisa iyo odayaasha degmada ay cadaadis ku saareen burcadbadeeda inay markabka la aadaan meel kale.

Markabkan oo lagu magacaabo MV Rim oo qaadkiisu yahay 4,800 tone ayay kooxaha burcadbadeedu shalay ka soo afduubteen xeebaha Gacanka Cadmeed.

Marka laga reebo Markabkan MV Rim, Laanta Badmaaxayaasha Caalamiga ee IMB waxay sheegtay in waqti xaadirkan xeebaha Soomaaliya lagu haysto 9 markab iyo 216 shaqaalihii la socday.

XS
SM
MD
LG