Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Carson oo u digay "Qaswadayaasha"


Sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda arimaha dibadda ee Mareykanka ayaa ugu hanjabay cuna qabateyno cid kasta oo somalia ah oo isku dayda iney ka hor timaado qorshaha geedi socodka Nabadda ee dalkaasi.

Kaaliyaha Xoghayaha arimaha dibadda Mareykanka ee arimaha Africa, Johnnie Carson, ayaa hadalkaasi sheegay, ka dib booqasho maalin qaadatay uu ku tagay magaalada Muqdisho axadii shalay.

Mr. Carson waxa uu sheegay in Mareykanka ay talaabo ka qaadi doonto kuwa uu ugu yeeray qaswadayaasha, caqabadda ku ah dadaalada ku wajahan sidii dastuur cusub ay u yeelan laheyd Somaliya oo madaxweyne Cusubna loo soo dooran lahaa.

Carson waxa uu sheegay in cunaqabateynada ay ku jiri doonaan xanibaadyo dhinaca safarada ah oo lagu soo rogayo, iyo hanti fariisin.

Waxa uu intaasi ku daray in talaabadaasi laga qaadi doono qaswadayaasha buu yiri ku jira dowladda iyo kuwa aan ku jirinba.

Somalia ayaa waxa ay wajaheysaa waqti kama dambeys ah oo loo qabtay oo ku beegan 20 bisha August, iney ku hirgeliso qorshaha siyaasadeed ee xilli kala guurka si looga baxo dowlad dhexe la’aanta dalkaasi ka jirtay tan iyo 1991kii.

Mr. Carson ayaa ah masuulkii ugu sareeyay ee ka socda dowladda Mareykanka oo booqda Somalia muddo 20 sanadood ah.

Intii uu joogay Muqdisho waxa uu wada hadalo la yeeshay madaxda DKMG ah – sida madaxweyne Sheikh Sharif Sheikh Ahmed iyo Ra’isul Wasaare Cabdiweli Maxamed Cali.

Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in booqashada Carson ay astaan u tahay in xaaladda amni ee Somaliya ay ka soo reyneyso, oo xiriirka dowladiisu la leedahay dowladda Mareykankana uu sii xoogeysanayo.

Booqashadan ayaa timid afar maalmood ka dib markii Maraykanku uu yaboohay 33 milyan oo dollar, taas oo abaal marin looga dhigay qofkii soo sheega halka ay ku sugan yihiin 7 ka mid ah hogaamiyeyaasha Alshabab.

XS
SM
MD
LG