Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maraykanka: Soomaali lagu soo Oogay Dacwad


Maraykanka: Soomaali lagu soo Oogay Dacwad
Maraykanka: Soomaali lagu soo Oogay Dacwad

Saddex nin oo Soomaali ah oo lagu xiray magaalada San Diego ayaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta lacago ay u direen kooxda Al-Shabaab.

Dacwad oogayaal Mareykan ah ayaa Saddex nin oo Somali ah oo ku nool Mareykanka ku soo oogey dacwad la xiriirta inay lacago u direen Kooxda Al shabaab ee ka dagaalanta dalka Somalia, kooxdan ayaa xiriir la leh ururka Al-qaacida.

Waaxda Cadaaladda Mareykanka ayaa sheegtay maalintii Salaasada ahay ee shalay in saddexdan nin ay San Diego ka xawileen lacago ay u direen Somalia si loogu fangareeyo howlaha argagixisada.

Saddexdan nin ayaa waxaa ku jira nin lagu magacaabo Baasley Saciid Macallin oo dagen Gobolka California. Ninkan ayaa sidoo kale lagu eedeeyey inuu Somalia kooxda Al-Shabaab ku siiyay guri ay ku noolaadaan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab u dagaallama.

Saraakiisha Socdaalka ayaa Baasley Siciid Macalin ku xiray magaalada San Diego isagoo markaasi ka dhoofaya San Diego. Labada nin ee kale oo lagu kala magacaabo Maxamed Maxamuud iyo Ciise Dhoore ayaa iyagana la xiray maalintii Isniinta ahayd.

XS
SM
MD
LG