Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maraykanka oo Cambaareeyey Xayiraadii Xildhibaannada


Maraykanka oo Cambaareeyey Xayiraadii Xildhibaannada
Maraykanka oo Cambaareeyey Xayiraadii Xildhibaannada

Dawladda Maraykanka ayaa dhaleecaysay talaabadii DKMG ah ee Somalia ay shalay ku horjoogsatay xildhibaanadii u duuli lahaa Nairobi

Dawladda Maraykanka ayaa welwel ka muujisay talaabadii DKMG ah ee Somalia ay ku horjoogsatay kooxdii xubnaha baarlamaanka, kuwaas oo safar u baxayey.

Safaaradda Maraykanka ayaa sheegtay in xoogagga amniga ee Somalia ay u diideen in ka badan 40 oo mudane inay u safraan dalka Kenya Isniintii shalay, halkaas oo ay kaga soo hadli lahaayeen wax la xiriira doorashada xiliga soo socda.

Hadal kasoo baxay safaaradda Maraykanka ee Nairobi ayaa ku eedeeyey xubnaha amniga inay hub ku handadeen mudanayaasha baarlamaanka, isla markaana ay, ugu yaraan saddex ka mid ah, hagardaameeyeen.

Safaaradda ayaa sheegtay in todobaadkii u dambeeyey ay DKMG ah ee Somalia qaadday talaabo ah “inay caburiso doodaha siyaasadeed ee nabada ah iyo inay aamusiiso kuwa iyada mucaaradka ku ah”





XS
SM
MD
LG