Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maraykanka iyo QM oo Canbaareeyey Muddo kordhinta


Maraykanka iyo QM oo Canbaareeyey Muddo kordhinta
Maraykanka iyo QM oo Canbaareeyey Muddo kordhinta

Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay ayaa canbaareeyay go'aankii ay Baarlamaanka Soomaaliya muddada 3-da sano ah ku kordhisteen

Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay ayaa canbaareeyay go'aankii ay Baarlamaanka Soomaaliya muddada 3-da sano ah ku kordhisteen.

Kuxigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka James Steinberg oo safar ku maraya dalka Kenya ayaa sheegay in Washington ay intii muddo ahaydba ka niyadjabsanayd waxqabadka dowladda KMG ee Somalia.

Sidoo kale, Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Somalia, Augustine Mahiga aya go'aanka baarlamaanka ku tilmaamay mid "Niyadjab" ah, wuxuuna sheegay in dadka Soomaaliyeed ay u qalmaan oo ay rajanayaan inay arkaan isbeddel dhaca.

XS
SM
MD
LG