Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maputo: Soomaali Dooni la Degtay


Maputo: Soomaali Dooni la Degtay
Maputo: Soomaali Dooni la Degtay

Ilaa 50 ruux ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen doon sidday dad tahriibayaal ah oo ay ku jiraan dad Soomaaliya u dhashay.

Ilaa 50 tahriibayaal Afrikaan ah oo ay ku jiraan Soomaali ayaa lagu soo warramayaa inay badda ku leā€™deen ka dib markii ay dooni ay la saarnaayeen kula degtay xeebaha dalka Mozambique.

Aadam Yuusuf oo ka mid ah Soomaalida deggan magaalada Maputo ee caasimamadda dalkaasi ayaa VOA-da u sheegay in ay jirto dooni labaad oo ay iyana badda kula degtay dad tahriibayaal ah, kuwaasoo ka kala yimid Tanzania iyo Mombassa.

Aadam ayaa sheegay ciidamada ilaalada xeebaha ee dalka Mozambique ay xaqiijiyeen in doonyahaasi ay degeen ka dib markii laga tambadshay culeyskii ku filnaa ee ay qaadi kareen.

Ilaa 89 qof oo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan ayaa la sheegay in ilaalada xeebaha ee dalkaasi ay u soo gudbiyeen xero qaxooti oo ay ku nool yihiin ilaa 3,000 oo ruux.

Doonyahan la sheegay inay ku degeen xeebta tuulo la yiraahdo Palma oo ka tirsan dalka Mozambique ayaa dadkii la socday labada doonyoodba la sheegay inay ku sii jeedeen dalka Koonfur Afrika, iyagoo damacsanaa inay sii dhex maraan Mozambique.


XS
SM
MD
LG