Isku xirrada

12 ku Dhimatay Weerar ka Dhacay Mandera


Ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhintay 4 kalena way ku dhaawacmeen weerar xalay ka dhacay magaalada Mandera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Weerarkan ayaa loo adeegsaday rasaas iyo bambooyin, waxaana lala beegsaday huteel lagu magacaabo Bishaaro oo ku yaalla magaalada Mandera, sida ay sheegeen booliiska Kenya.

Ururka Al-Shabab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka Mandera, waxaana ay sheegteen oo kale inay dileen 15 qof.

Waa weerarkii labaad ee noociisa ah ee bishan gudaheeda ay Al-Shabab ku qaadaan magaalada Mandera. Bishan horraanteedii ayaa weerar ay Al-Shabab ku qaadeen goob dhisme ah oo ay degganaayeen dad xoogsato ah waxaa ku dhintay lix qof.

Wariyaha VOA Maxamed Faarax Shire ayaa ka wareystay dhacdadaasi Ibrahim Caliyow oo ka tirsan idaacadda Risaala FM, kuna sugan magaalada Mandheera.

XS
SM
MD
LG