Isku xirrada

War Deg-Deg ah

MALAWI: Madaxweynaha Oo La Tuhun Qabo Inuu Geeriyooday


Dadka reer Malaawi ayaa weli sugaya war rasmi ah oo ku saabsan madaxweyne Bingu wa Mutharika, xilli ay soo baxayaan warar isa soo taraya oo sheegaya in madaxweynaha uu geeriyooday.

Mr. Mutharika ayaa loola cararay cusbital ku yaala Caasimadda dalkaasi ee Lilongwe, Qamiistii la soo dhaafay , ka dib markii uu xanuunsaday isagoo ku sugan gurigiisa.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in loo duuliyay Madaxweynaha dalka Koonfur Africa, wax faahfaahin ah oo intaasi dheerna lagama sii bixin .

Saraakiisha Caafimaadka iyo illo ku dhow dhow dowladda oo magacooda qariyay ayaa laga soo xigtay in Madaxweynaha 78- jirka ah uu u geeriyooday, xanuun wadnaha uga soo booday.

Shir Jara’id oo ay qabatay Jimcihii, ayey haweneyda madaxweyne ku xigeenka ka ah Malawi Joyce Banda, ka sheegtay inay isku dayeyso inay wax badan ka ogaato xaalada madaxweynaha, waxeyna intaa ku dartay in iyada iyo dad kale oo reer malaawi ah, ay arinta madaxweynaha mugdi uga jirto

Madaxweynihii hore ee Malawi, Bakili Muluzi, ayaa ku booriyay saraakiisha jimcihii shalay inay sii daayaan warka la xiriira xaaladda madaxweyne Mutharika.

XS
SM
MD
LG