Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Malaayiin Muslimiin ah oo Taagan Carafo


In kabadan 2 Milyan oo Muslimiin ah, ayaa maanta u taagan buurta Carafo, iyagoo gudanaya waajibaadkooda xajka ee sanadlaha ah. Soomaali fara badan, ayaa ku jirta tirada xujeyneysa.

Sii-hayaha qunsuliyadda Soomaalida ee Jeddah, Daahir Axmed Wehliye, ayaa VOA u sheegay in xujaajtu ay ka muuqato qushuuc iyo Alle ka cabsi.

In kabadan 20 kun oo Soomaali ah, ayuu Daahir sheegay inay sanadkan Xajka tageen, kuwaas oo 7440 ka mid ahi ay ka yimaaddeen Soomaaliya, inta kalena ay ka soo xajiyeen dalalka kale ee caalamka oo uu Sacuudigu ka mid yahay.

Ma jiro wax yeello la shaaciyay oo soo gaaray dadkaasi illaa iyo hadda. Dowladda Sacuudiga, ayaa ku dadaashay inay yareyso saxmadda gawaaridii faraha badneyd ee looga bartay xilliyada Xajka, iyadoo hadda ay Xujeydu u shaqeynayaan gawaari waaweyn oo dowladda ugu tala gashay.

XS
SM
MD
LG