Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mahiga oo soo Dhaweeyey Bixitaanka Alshabab


Mahiga oo soo Dhaweeyey Bixitaanka Alshabab
Mahiga oo soo Dhaweeyey Bixitaanka Alshabab

Xafiiska Siyaasadda ee QM dalka Somalia u qaabilsan ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay inuu soo dhoweynayo bixitaanka Alshabab uu ka baxay magaalada Muqdisho.

Xafiiska Siyaasadda ee QM dalka Somalia u qaabilsan ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay inuu soo dhoweynayo bixitaanka Alshabab uu ka baxay magaalada Muqdisho.

Warsaxaafadeedkan waxa Dr.Augustini Mahiga oo ah Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uu sheegay inay aad u farxad galinayso inuu ogaado horumarka maalmihii u dambeeyey laga sameeyey amaanka magaalada Muqdisho. Shaki kuma jiro ayuu yiri in bixintaanka Alsahbab uu noqon doono arrin wacan iyo talaabo loo qaaday dhinaca wanaagsan marka la eego magaalo burbur iyo dhib daran la kulantay. Dr. Mahiga waxa kale oo uu yiri “Laakiin innaga oo hore u socona, waa inaan ogaanaa khatarta dhabta ah ee dhinaca amaanka, oo ay ka mid yihiin weeraro argagixiso oo ay tahay inaan la dhayalsan”.

Warbixin iyo wareysiyo arrimaha ka bixintaanka Alshabab ee magaalada Muqdisho ku saabsan qeybta hoose ka dhageyso.

XS
SM
MD
LG