Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Sherif oo Xil-kaqaadistii Sharma'arke ka Laabtay


Madaxweyne Sherif oo Xil-kaqaadistii Sharma'arke ka Laabtay
Madaxweyne Sherif oo Xil-kaqaadistii Sharma'arke ka Laabtay

Warsaxaafadeed maanta kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha DFKG ah ayaa lagu sheegay in Ra'iisal Wasaare Sharma'arke uu xilkiisii sii hayo.

Madaxweynaha DFKG ah Sherif Sh. Axmed ayaa ka noqday xil-kaqaadistii Ras’iisal Wasaare Sharma’arke. Warkan oo maanta kasoo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa lagu sheegay in markii madaxweynuhu uu qiimeeyey arrimo dhowr ah uu ka codsaday Ra’iisal Wasaare Sharma’arke in isaga iyo xukuumadiisuba ay howshii loo igmaday sii wadaan.

Madaxweynaha ayaa, sida warsaxaafadeedka lagu sheegay, la tashaday garyaqaanno iyo xildhibaanno kuwaas oo madaxweynaha kala taliyey in “habkii kalsooni kala noqoshada xukuumaddu aysan dhammeystirneyn qaab ahaan iyo qodob ahaanba. “

Warsaxaafadeedka ayaa intaa ku daray in markii madaxeynuhu qiimeeyey “Duruufaha adag ee uu dalku marayo, taas oo loo baahan yahay in looga gudbo midnimo, wada jir, iyo isku duubni” in uu Ra’siisal Wasaaraha iyo xukuumaddiisaba ku wargaliyey in howlahoodii si xilkasnimo iyo hufnaani ku jirto u sii wataan.

XS
SM
MD
LG