Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Geelle: Waan u Tartamayaa Doorashada 2011


Geelle: Waan u Tartamayaa Doorashada 2011
Geelle: Waan u Tartamayaa Doorashada 2011

Madaxweyne Ismaaciil Cumar ayaa sheegay inuu isku soo taagi doono doorashada madaxtinimada ee Djibouti ee bisha April 2011 dhici doonta

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa u tartami doona markii saddexaad jagada madaxtinimada ee dalka Jabuuti.

Madaxweyne Geelle ayaa musharaxnimadiisa kaga dhowaaqay xaflad uu soo qaban qaabiyay xisbiga talada haya ee RPP oo maanta ka dhacday magaalada Jabuuti.

Madaxweyne Geelle ayaa xafladda ka sheegay inuu aqbalay codsi uga yimid xisbigiisa oo ay ka codsadeen inuu mar saddexaad u tartamo jagada madaxtinimada Jabuuti.

Madaxweynaha ayaa sheegay in xilkaasi uu yahay mid aad u culus uuna diyaar u yahay inuu sida sharciga waafaqsan u guto.

XS
SM
MD
LG