Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweynaha Yemen oo Dibadbax ka Hadlay


Madaxweyne Cali Cabdalla saalax ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu la xaajoodo dhalinyarada gadoodsan.

Madaxweynaha dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax ayaa tobannaan kun oo taageerayaashiisa kamid ah kula hadlay Bartamaha magaalada Sanca ee caasimadda dalkaasi, xilli la filayay in Dibad-baayaasha kasoo horjeeda ay ku siqaaan Dhinaca madaxweynaha sida ay horey u shaaciyeen.

Madaxweynaha waxa uu Jimcadan ugu magac-daray Jimcada nabad-gelyada iyo is cafinta, waxa uu tilmaamay inuu diyaar u yahay inuu la xaajoodo dhalinyarada, dalabaadkooduna uu eego, inuu diyaar u yahay inuu aasaaso xisbi ay dhalinyaradu leeyihiin oo waxa ay doonayaan u guntada.

Madaxweyne Saalax ayaa tilmaamay in waxa mudaaharaadayo ay yihiin Xuutiyiin al-Qaacida, Dhaqdhaqaaqa koofurta ee goni isu taag doonka ah iyo waxa uu ugu yeeray kuwo Mukhaaradaraadka ka ganacsada kuwaasoo in ay Yemen kala jarjaraan maahee aan ujeeddo kale laheyn.

Waxa uu sheegay inuu diyaar u yahay inuu xilka wareejiyo si nabad gelyo ah laakiin aanu xilligan ugu jeedin cid uu ku aamini karo masiirka umadda.

Waxa uu dadkii ugu badnaa oo taageeradiisa usoo baxay ku tilmaamay in ay ka dhigan tahay aragti uruurin loo sameeyay madaweynenimadisa, iyadoo kuwa kale ku tilmaamay qolyo tiro yar.

Waxa uu sheegay in Tanaasulaadka uu sameynayo ay ka dhigan tahay in la is hortaago in dhiig uu daato.

XS
SM
MD
LG