Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxda DKMG oo Dastuurka isku Khilaafsan


Madaxda DKMG oo Dastuurka isku Khilaafsan
Madaxda DKMG oo Dastuurka isku Khilaafsan

Khilaafka cusub ee soo kala dhexgalay madaxda sare ee dowladda ayaa salka ku haya dastuurka qabyo qoraalka ee dhowaan la soo bandhigay

Waxaa mad madow uu soo kala dhexgalay madaxda sare ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya, gaar ahaan Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo Ra'iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Khilaafka ayaa la sheegayaa inuu ka dhashay dastuurka cusub qabyada ah ee dhowaan ay xukuumaddu soo bandhigtay.

Ra'iisal wasaare Cumar Cabdirashiid Cali oo wareysi siiyay VOA-da ayaa sheegay in ay haboon tahay in madaxda sare ay ka fariistaan waxyaabaha la xiriira dastuurka qaybada ah, balse wuxuu sheegay inaysan habooneyn in la diido dastuurka.

Ra'iisal wasaare Sharmaarke ayaa sheegay in dastuurka qabyada ah ay u furan tahay in laga doodo oo Soomaalida oo dhan ay u taallo, isagoo sheegay in dastuurkani looga gudbi karo nidaamka KMG ah ee haatan jira.

XS
SM
MD
LG