Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaafiic Culus iyo Dagaal ka Dhacay Muqdisho


People look at damage from a car bomb, Baghdad, May 30, 2013.
People look at damage from a car bomb, Baghdad, May 30, 2013.

Dagaalka iyo madaafiicda waxa isweydaarsaday ciidamada dowladda KMG ah iyo xoogagga ku kacsan.

Ugu yaraan saddex qof ayaa inta la ogyahay ku dhimatay ilaa lix kalena waa ay ku dhaawacmeen madaafiic iyo dagaal maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Madaafiicda iyo dagaalkuba waxay dhaceen ka dib markii kooxaha mucaaradka ee ku kacsan dowladda kmg ah ay weerareen fariisimo ku yaalla degmooyinka Hodan iyo Hawlwadaag, halkaasoo ay joogeen ciidamo ka tirsan dowladda.

Dadka ku waxyeeloobay madaafiicda waxaa la sheegay dhammaantood inay ahaayeen dad rayid ah oo madaafiicda ugu tagtay qeybo ka mid ah suuqa Bakaaraha.

Lama soo sheegin khasaaraha soo gaaray dhinacyadii dagaalamayay, hase yeeshee inta badan marka ay madaafiic isweydaarsaadaan dhinacyada dagaalamaya waxay dhibaato ka soo gaartaa dadka rayidka ah.

XS
SM
MD
LG