Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gobolka Bay oo Macluushii Gaartay


Gobolka Bay oo Macluushii Gaartay
Gobolka Bay oo Macluushii Gaartay

Warbixin ay Qaramada Midoobay maanta soo saartay ayaa lagu sheegay in gobolka Bay uu noqday gobolkii 6aad ee macluusha Somalia gaarto

Hay’adda Qaramada Midoobay (Q.M.) ayaa sheegtay in macluushii Somalia ay ku fidday gobolkii 6aad ee koonfurta Somalia.

Qeybta Qaramada Midoobay u qaabilsan nafaqada iyo Amniga cuntada ayaa maanta sheegtay in gobolka Bay nafaqo-darada sareysa iyo heerka dhimashadu ay dhaafeeen heerkii lagu cabiri jiray macluusha

Warbixinta ayaa sheegtay in qoysaska saboolka ah ee gobolka degani ay la kulmayaan cunto-yari baahsan, taasoo ka dhalatay wax soosaarkii beeraha oo hoos u dhacay iyo awoodii wax-iibsi oo yaraatay.

Q.M. ayaa sheegtay in 4 milyan oo ruux ay dhibaato hayso dalka Somalia, iyada oo 750,000 oo ruux ay afarta bilood ee soo socda khatar ugu jiraan inay dhintaan, maaddaama aanay jirin gargaar ban’iaadaminimo oo ku filan. Hay’adda ayaa sheegtay in tobanaan kun ay durbaba dhinteen, iyada oo kala bar dadkaasi ay caruur ahaayeen.

Q.M. ayaa sheegtay in macluusha la filayo in afarta bilood ee soo socda ay kusii fiddo meelo kale oo Somalia ah.

Abaarahan ba’an ayaa sidoo kale waxyeelleeyey meelo ka mid ah dalka Kenya, Ethiopia, Eritrea iyo Djibouti.

Q.M. ayaa sheegtay in loo baahan yahay 2.5 bilyan oo dollar si abaaraha iyo macluusha wax looga qabto.

XS
SM
MD
LG