Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maamulka Puntland oo dhaliil loo jeediyay


Xarunta Puntland
Xarunta Puntland

Qar ka tirsan isimada Puntland ayaa sheegay in maamulka Puntland ee madaxweyne Faroole uu dayacay ammaankii ka jiray Puntland.

28 issin oo ka tirsan isimada deegaanada Puntland ayaa ku dhaliilay maamulka madaxweyne Faroole arrimaha Ammaanka, canshuuraha iyo horumarinta Puntland

Isimada oo shir jaraaid qabtay ayay ku sheegeen in dowladda Puntland ay dayacday ammaankii guud ee deegaanka isla markaana ay ka gaabisay wadashaqeyntii ka dhaxeysa issimada iyo maamulka.

Dhaliishan ayaa timid kadib markii shalay madaxweyne C/raxmaan Faroole uu kulan la qaatay qaar ka tirsan isimada Puntland, isagoo ka codsaday inay maamulkiisa gacan ka siiyaan wax ka qabashada ammaanka Puntland.

Wasiirka Amniga ee maamulka Puntland Yuusuf Axmed Khayr ayaa isimada dhaliilay maamulka ku tilmaamay kuwo mucaarad ah oo aan wax tixgalin ah ku lahayn bulshada dhexdeeda.

La Xiriira

XS
SM
MD
LG