Khilaaf in muddo ahba u dhexeeyey hay'adaha kala duwan oo maamulka Galmudug ayaa Afhayeenka Baarlamaanka ee maamulkaasi sheegay in la dhameeyey.
Afhayeenka baarlmaanka ee Galmudug Xasan Heyl oo VOAdu wareysi la yeelatay ayaa sheegay in xubin kasta oo maamulka ka mid ah ay xilkeedii hore dib ugu soo noqon doonto.
Horay ayaa baarlamaanka Galmudug uu u sheegay inuu xilkii ka qaaday Madaxweyne Axmed Caalin, halka madaxweynuhuna uu ku gacan seyray.
Wareysiga oo dhameystiran qeybta hoose ka dhageyso.