Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maalinta Nadaafadda Somaliland


Madaxweyne Siilaanyo
Madaxweyne Siilaanyo

Madaxweyne Siilaanyo ayaa maanta ku dhawaaqay maalinta "Nadaafadda Qaranka" ee Somaliland oo ka bilaabmaysa axadda.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxed Siilaanyo ayaa maanta magaalada Hargeysa ku qabtay shirkiisii jaraa'id ee ugu horeeyey tan iyo markii loo doortay madaxaweynenimada Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa shirkan jaraaid kaliya ku koobay arrimo la xiriirada Nadaafada Somaliland, isagoo ku dhawaaqay maalinta nadaafadda Somaliland oo ka bilaabmaysa maalinta axadda ah ee 5-ta September. Madaxweyne Siilaanyo wuxuu sheegay in 45-kii cishoba si joogta ah loo qaban doono ololaha nadaafadda Somaliland, isagoo dadka Somaliland ugu baaqay inay kawada qeybgalaan.

Shirkan jaraa'id loogama hadlin arrimo fara badan oo la rajaynayay inuu madaxweynuhu ka hadlo, balse Afhayeenka madaxweynaha ayaa sheegay in dhawaan uu madaxweynuhu qaban doono shir jaraa'id oo uu kaga hadli doono xaaladdaha kala duwan ee Somaliland.

XS
SM
MD
LG