Waxaa maanta iska casilay jagadii loo magacaabay wasiir ku xigeenkii qorsheyntaiyo iskaashiga caalamiga ah Cabdulcasiis Xasan Maxamed (Lafta Giriin).
Wasiirka iscasilay ayaa ku eedeeyay ra'iisal wasaare Farmaajo inuu baalmaray heshiiskii Jabuuti ee ay ku heshiiyeen TFG iyo Isbahaysigii Mucaaradka ee ARS.
Wuxuu sheegay in saddexda awoodood ee u sarreysa dowladda inay hayaan xubno ka tirsanaa ARS, sidaasi darteed ayuu sheegay in TFG-dii lagu sameeyay Afgambi aan dhiig ku daadan.