Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kuuriyada Waqooyi oo Gantay Gantaal


Kuuriyada Woqooyi ayaa hawada sare u gantay gentaal ka kooban sedax qeeybood genidaasi iyadoo iska dhega tireeysa qaraarada qaramada midoobay digniinaha mareykanka iyo eel-xun reebka dalal kale, iyadoo wararkuna ay sheegeen in genidasi aay guuldareeysatay

Kooriyada woqooyi waxay sheegtay gentaalka uu satellite ku soo rakibi doono khadka meerayaasha ,laakin mareykanka iyo dalalka Asia ee ay saxibada yihiin ee kuuriyada konfureed iyo Japan ayaa shaki ka qaba in taasi ay tahay uun mid lagu hoos qarinaayo tijaabo ay ku sameeyneeyso Pyongyong gentaalada caaga ka sameysan.

Golaha amaanka ee qaramada midoobay ayaa ka xajoon doono kulankooda maanta oo jimco ah xaalada kuuriyada Woqooyi iyo suurtagal nimada jawaab laga bixiyo talaabadaa dhega ka fureysiga ah ee ay qaadatay kuuriyada woqooyi.

XS
SM
MD
LG