Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Kulamo iska soo Horjeeda


Muqdisho: Kulamo iska soo Horjeeda
Muqdisho: Kulamo iska soo Horjeeda

Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay kulamo iska soo horjeeda oo ku saabsan marxaladda ay hadda mareyso siyaasadda Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay kulamo iska soo horjeeda oo ku saabsan marxaladda ay hadda mareyso siyaasadda Soomaaliya.

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda KMG ah ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay ilaa 100 xildhibaan, wuxuuna uga warramay mowqifka uu ka taagan yahay heshiiskii magaalada Kampala.

Wuxuu ra'iisal wasaaruhu sheegay in uu xilka ka degi doono oo keliya marka uu baarlamaanku kasoonida kala noqdo.

Xildhibaanadii uu ra'iisal wasaaruhu la shiray ayaa qaarkood waxay sheegeen in mowqifkiisa ay soo dhoweynayana.

Hase yeeshee xildhibaano kale oo iyaguna shir ku yeeshay isla magaalada Muqdisho waxay cambaareeyeen hadalkii ra'iisal wasaaraha ee ahaa inuusan u hoggaansameyn heshiiskii lagu soo gaaray magaalada Kampala.

XS
SM
MD
LG