Goobjoogayaal ku sugan Waqooyi Bari Kenya ayaa VOA u sheegay in dablay aan haybtooda la garanayn ay weerar ku qaadeen bas kuwa rakaabka ah oo ka tagay magaalada Mandera una socday magaalada Nayroobi.
Baskan ayaa la sheegay in laga leexiyey waddada kadibna la geeyey tuulada lagu magacaabo Carabiya halkaasi oo dad badan lagu toogtay.
Laanqayrta Cas ee dalka Kenya ayaa sheegtay in laga cabsi qabo ilaa 28 qof inay dhinteen oo la dilay inkastoo aysan weli dawladda Kenya xaqiijin tirada dadka dhintay ee rasmiga ah.
Weli ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerraka.