Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Khilaaf u dhaxeeya Daahir Aways iyo Axmed Madoobe


Khilaaf u dhaxeeya Daahir Aways iyo Axmed Madoobe
Khilaaf u dhaxeeya Daahir Aways iyo Axmed Madoobe

Hogaamiyaha Xisbul-Islam ayaa sheegay in Axmed Madoobe u ku biiray DKMG, isagoo qorsheynaya dagaal, balse Axmed Madoobe wuu beeniyay eedaasi

Hogaamiyaha Xisbul-Islaam Xasan Daahir Aways, ayaa sheegay in Axmed Maxamed (Axmed Madoobe) oo ka tirsan Xisbul-Islam uu ku biiray dowladda KMG. Aways wuxuu sheegay in jiro Axmed Madoobe iyo dowladduba ay wadaan qorshe ay ku doonayaan inay dagaal ku qabsadaan gobollada Jubbooyinka.

Daahir Aways, wuxuu sheegay in Axmed Madoobe ay ula dagaalami doonaan sida ay haatan ula dagaalamayaan dowladda KMG.

Dhinaca kale, Axmed Maxamed (Axmed Madoobe) oo VOA-da wareysi siiyay ayaa beeniyay inuu ku biiray dowladda KMG. Axmed Madoobe wuxuu sheegay inuu kulan la qaatay mid ka mid ah wasiirada dowladda, balse aan taas loo fasiran karin inuu dowladda ka mid noqday.

Qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso warbixinta Xasan Daahir iyo wareysiga Axmed Madoobe.

XS
SM
MD
LG