Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Khilaaf ka dhexjira Baarlamaanka KMG


Khilaaf ka dhexjira Baarlamaanka KMG
Khilaaf ka dhexjira Baarlamaanka KMG

Waxaa dib u soo cusboonaaday khilaaf u dhaxeeya baarlamaanka, kadib markii mudanayaal ay sheegeen inay soo dooran doonaan guddoon cusub.

Ku dhawaad 50 Xildhibaan ayaa shir jaraa'id oo ay ku qabteen magaalada Muqdisho, waxay ku sheegeen inay qaban doonaan kulan ay guddoon cusub ku soo dooran doonaan. Mudanayaashan ayaa ku dooddaya in waqtigii uu ka dhamaaday guddoonka baarlamaanka Somalia.

Xildhibaan Yuusuf Mire Maxamed Seeraar ayaa VOA-da u sheegay in kulanka ay qaban doonaan aysan ka soo qeyb gali doonin xubnaha guddoonka, isagoo sheegay in waqtigii uu ka dhamaaday guddoonka baarlamaanka. Dhinaca kalena Xildhibaan Xasan Kaynaan Xalane oo isna wareysi siiyay Idaacadda VOA, ayaa beeniyay in waqtigii ka dhamaaday guddoonka, balse Xildhibaankani wuxuu sheegay inay jirto faragalin baarlamaanka uga imanaysa xukuumadda.

Gudoomiye-ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Cismaan Cilmi Boqore ayaa gudoomiye Sheekh Aadan Madoobe ku eedeeyay kali-talisnimo, wuxuuna xusay in gudoomiyuhu uu laallay xilkii gudoomiye kuxigeennada baarlamaanka.

Sidoo kale, madaxweynaha Somalia Sheekh Shariif Sh. Axmed ayaa kulan la qaatay qaar ka tirsan guddiyada baarlamaanka iyo xildhibaanno kala duwan, waxaana kulankaasi lagu heshiiyay in fadhiyada baarlamaanku ay dib u bilowdaan bishan April 15-keeda.

Qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso wareysi qaar ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka.

La Xiriira

XS
SM
MD
LG