Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Khasaaraha Dagaaladii u Dambeeyay ee Muqdisho


Dhaawac lagu Wado Isbitaalka
Dhaawac lagu Wado Isbitaalka

Ugu yaraan 8 qof oo rayid ah ayaa ku geeriyooday dagaal habeenimadii Axaddii ka dhacay Magaalada Muqdiso.

Saraakiil ku sugan gudaha Somalia ayaa sheegay in maanta oo isniiin ah waqooyiga magaallada Muqdisho uu si ba’an u saameeyay dagaal habeenimadii xalay dhacay.

Sarkaal ka tirsan adeegyada gurmadka deg-dega ayaa sheegay in 55 qof ay ku dhaawacmeen madaafiic la isweydaarsaday.

Todobaadkii hore, dagaal ka dhexqarxay magaalada caasimada Muqdisho kooxaha hubeysan iyo ciidamada nabad-ilaalinta ee Midowga Africa, ayaa waxaa uu sababay dhimashada 15 ruux iyo dhaawaca in ka badan 20 kale.

Kooxaha Al-Shabab iyo Hisbul-Islam ayaa maamula qeybo ka mid ah caasimada waxayna wadeen dagaal ay ku doonayaan inay ku afganbiyaan xukuumada DFKMG.

XS
SM
MD
LG