Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Khasaaraha Burcad Badeedda


Khasaaraha Burcad Badeedda
Khasaaraha Burcad Badeedda

Khasaaraha ay gaadiidka badaha u gaysteen budhcad badeedda Soomaalidu sanadkii 2010-kii ayaa lagu sheegay 7 billion oo dollar.

Isla sanadkaasi ayaa waxaa la sheeggay in ay budh cad badeedda Soomaalidu ay maraakiibta ay qabsadeen ka qaateen lacago madaxfurasho ah oo dhamaa 238 million Dollar.

Sida isniintii maanta ahayd lagu soo daabacay wargeyska Gulf News ee af ingiriiisiga lagu daabaco ee ka soo baxa wadanka isu taga Imaaraadka Carabta oo soo xiganayay urur caalami ah oo ay leeyahiin shariikadaha maraakiibtu khasaaraha maraakiibta ka soo gaadhay falalka ay gaysanayaan budh cad badeedda Soomaalidu ayaa waxaa uu sanadkii hore ku kacay 7 Billion oo dollar.

Ururkan oo la yidhaahdo Aceans Beyond Piracy ayaa waxaa ay sheegeen inuu khasaarahaasi yahay ka tooska ah iyo ka sida dadban ee aan tooska ahaynba uga yimaadda hawlaha budh cad Badeedda somalida.

Ururkan la yidhaahdo Aceans Beyond Piracy ayaa waxaa ay sheegeen in lacag lagu qiyaasay illaa 2 billion oo Dollar ay sanad walba ku baxdo hawl galada lagula dagaalmo budh cad badeedda caalamiga ah ee maraakiibta ka hawl gala baddaha ay maraakiibta ka ugaadhsadaan.

Isla warbixintan lagu soo daabacay wargeyska Gulf News ayaa waxaa lagu sheeggay in ay budh cad badeeda Somalidu iyagu lacag ahaan ay sanadkii tagay ee 2010-kii ay u qaateen 238 million oo dollar oo celcelis ahaan ay markab walba oo ay sii dayaeen ay budh cad badeedda soomaalidu ka qaateen lacag dhamayd shan million iyo afar boqol oo kun oo dollar.halka ay lacagaha madax furashada ah ee ay maraakiibta ka qaadan jireen sanadkii 2005-kii ay celcelis ahaan ka ahayd 150.000 oo dollar.

Warbixintan ay soo saareen ururka la yidhaahdo Aceans Beyond Piracy ayaa waxaa lagu sheeggay in ay imika budh cad badeedda Soomaalidu ay haystaan ilaa 500 oo badmaax oo u kala dhashay in ka badan 18 wadan.

XS
SM
MD
LG