Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya oo Xirtay Xuduuda Somalia ee Dhinaca Gedo


Gedo, Somalia
Gedo, Somalia

Wararka ka imanay degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in dawladda Kenya ay xidhay xuduudda ay la wadaagto Soomaaliya.

Guddoomiye ku Xigeenka Beled-xaawo Bile Wufood Ibraahin ayaa sheegay in xuduuddu ay xidhnayd afartii maalmood ee ugu dambaysay isla markaana aanay jirin cid labada dhinac isu-gudbaysa.

Guddoomiyaha oo wareysi siiyey VOA ayaa sheegay in arrintan ay la xiriirto sidii ay uga qeylo dhaamiyeen isku daygii dhowr bilood ka hor ay dowladda Kenya sameysay ee ahaa inay darbi ka dhisto xuduudda kala qeybiso labada dal.

Weriyaheena Ismaaciil Xuseen ayaa khadka telefoonka ku waraystay guddoomiyaha.

Wareysi: Guddoomiyaha Beledxaawo
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:10 0:00

XS
SM
MD
LG