Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya: Nidaam Doorasho oo Cusub


Guddoomiyaha G/Doorasooyinka Kenya
Guddoomiyaha G/Doorasooyinka Kenya

Nidaamkii doorashooyinka Kenya ayaa la bedelay, kadib markii Gudigii hore ee doorashooyinka dalkaasi horay loo kala diray.

Gudiga hore ayaa loo aaneeynayainay qeyb libaax ku lahaayeen murankii doorashooyinkii madaxtinimo ee ay ka dhasheen rabshadihii ay ku dhinteen dad ka badan 1000 qof.

Dalka Kenaya ayaa waxa kusoo fool leh Afti Dadweyne oo la rabo in loo qaado dastuur cusub oo Kenya ay sameysaneyso

Gudiga KMG ee doorashooyinka ayaa Magaalada Nairobi kaga dhawaaqay waqtiga uu bilaabanayo diiwaangelinta Dadka ka qeyb gelaya codbixinta Dastuurka.

Waxaana jira wal-wal dadku ka qabaan sida kalsooni loogu qabi karo in dadka codkooda oo sax ah lasoo bandhigo.

Gudoomiyaha Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Kenya Axmed Isaack ayaa waraysi uu siiyay VOAda waxaa ku sheegay in ay u diyaargaroobeen sidii loo sixi lahaa khaladaadkii hore.

Waraysiga oo dhamaystiran ka dhegayso midigtan sare ee boggan

XS
SM
MD
LG