Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya: Shabaab oo Weerartay Xarrun Ciidan


Wararka ka imanaya gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in dablay la tuhunsan yahay inay ka tirsan ururka al-Shabaab ay weerar ku qaadeen baro ay ciidamada amniga Kenya ku leeyihiin magaalada Fino oo ku taal inta u dhaxaysa Mandheera iyo Lafey.

Wararka aynu ka helnay dadka degaanka ayaa sheegaya inay jiraan askar dhimatay kaidb weerarkaas. Maleeshiyada weerarka soo qaadday ayaa sidoo kale la sheegay inay burburiyeen anteenadii shirkadda Safaricom.

Ururka al-Shabab ayaa inta badan sheegta mas’uuliyadda weerarada ka dhaca degaannadaas Waqooyi Bari Kenya.

Weerarka xalay dhacay ayaa Haaruun Macruuf uu ka waraystay nin ka mid ah dadka degaanka, waxaana waraysigii u dhacay sidan.

please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:02:40 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG