Ra'iisal Wasaaraha Somali Dr. Abdiwali M. Cali-Gaas ayaa dekedda Muqdisho ku guddoomay kaalmo ka timid dalka Isutagga Imaaraadka Carabta. Kaalmadan ayaa iskugu jirta cunto, dhar, iyo gaadiid.
Ra'iisal Wasaaraha ayaa sheegay in uu hubinayo in kaalmadani gaarto dadkii mudnaa inay helaan. Waxana uu baaq u diray dawladaha deeqaha bixiya, ganacsatad Soomaalida, iyo Soomaalida qurbaha ku nool inay kaalmo lasoo gaaraan dadka ay abaaruhu waxyeeleeyeen ee Somalia ku nool.
Warbixin arrintaas ku saabsan qeybta hoose ka dhageyso.