Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jowhar: Al-Shabaab oo Xubno-Goys Fulisay


Jowhar: Al-Shabaab oo Xubno-Goys Fulisay
Jowhar: Al-Shabaab oo Xubno-Goys Fulisay

Kooxda al-Shabaab ayaa lug iyo gacan isdhaaf ah ka jartay saddex dhalinyaro ay ku eedeeysay tuuganimo.

Kooxda al-shabaab ayaa gacan iyo lug isdhaaf ah magaalada Jowhar kaga jartay saddex dhalinyaro ah oo ay ku eedeeysay inay dhac geysteen.

Dhalinyarada ay al-Shabaab xubnaha jartay waxaa magacyadooda lagu sheegay inay kala yihiin: Cabdulaahi Faarax Bakat,Xasan Macalim Faray, iyo Xasan Siyaad Maxamed.

Al-Shabaab ayaa sheegay in dhalinyaradaasi lagu eedeeyay inay dhac u geysteen gaari isaga ka yimid deegaanka Biyo Cadde, kuna sii jeeday deegaan kale oo lagu magacaabo Mir-Tuugo, kaasoo rakaabkii la socday la sheegay in laga qaatay 3,400,000 So Sh. (Saddex miliyan iyo afar boqol oo shilin) Soomaali ah.

Qaadi Maxkamadeed oo ka tirsan al-Shabaab ayaa goobta xubno goyntu ka dhaceysay ka sheegay in dhalinyaradaasi ay qirteen dambiga lagu soo eedeeyay.

XS
SM
MD
LG