Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Suxufi Lagu Dilay Gaalkacayo


Wararka ka imanaya magaalada Galakacayo ee Badhtamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in weriye u shaqeeya idaacadda maxalliga ah ee Daljir lagu toogtay laguna dilay halkaasi.

Dilkan ayaa la sheegay in loo gaystay weriye lagu magacaabo Cabdirisaaq Cali Cabdi Silfar ay toogasho ku dileen dablay hubaysan.

Weriyaha ayaa la sheegay inuu ku sugnaa goob maqaayad ah markii ay soo abbaareen laba qof oo dablay ah kuwaasi oo rasaas huwiyey.

Ilaa haatan ma cadda cidda ka dambaysay dilkan.

XS
SM
MD
LG