Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jean Ping oo Booqday Muqdisho


Jean Ping oo Booqday Muqdisho
Jean Ping oo Booqday Muqdisho

Guddoomiyaha golaha Midowga Africa, Jean Ping ayaa safar uu ku qiimeynayo xaalladda abaaraha iyo amniga ee Somalia ku tagay Muqdisho.

Jean Ping oo ay weheliyaan madax kale oo ka tirsan Midowga Africa ayaa kulan la qaatay madaxda dowladda KMG ee Somalia, wuxuuna shir jaraaid oo uu si wadajir ah ula qabtay madaxweynaha Somalia, ka sheegay in ciidamada Midowga Africa ay horumar ka sameeyeen amniga dalka Somalia.

Jean Ping, wuxuu kaloo sheegay in magaalada Addis Ababa lagu qaban doono 25-ka bishan shir lacago loogu uruurinayo Somalia.

XS
SM
MD
LG