Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jawaabta Maraykanka iyo Burcadbadeedda Soomaalida


Jawaabta Maraykanka iyo Burcadbadeedda Soomaalida
Jawaabta Maraykanka iyo Burcadbadeedda Soomaalida

Maraykanka ayaa si xooggan uga fiirsanaya tallaabada ay qaadi doonaan ee ku aadan afduub loo geystay doon ay la socdeen muwaadiniin Maraykan ah.

Mas’uuliyiinta Maraykan ah ayaa si xooggan uga arrinsanaya jawaabaha laga bixin doono afduub loo geystay dooni lagu dalxiiso oo sidday afar qof oo Maraykan ah, iyadoo maraysay meel badda Carabian.

Doonta la afduubay ee Quest ee ka lushay calanka Maraykanka waxaa dhex deganaa lamaane Maraykan ah, kuwaasoo dhex maaxayay badda tan iyo sanadkii 2004.

Saraakiishu waxay sheegeen in burcadbadeedu ay la wareegtay doonida Jimcaha shalay.

Afduubkan wuxuu yimid maalmo ka dib markii Maxkamad federaali ah oo ku taalla magaalada New York ay ku dhowaad 34 sano xabsi ah ku xukuntay burcadbadeed Soomaali ah oo ku lug lahaa afduub sanadkii 2009-kii loo geystay markab Maraykanku leeyahay oo lagu magacaabo Maersk Alabama.

Xiligii badbaadinta kabtanka Maersk Maraykanku waxay shiish ku dileen saddex kale oo burcadbadeed ah.

XS
SM
MD
LG