Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jarmalka oo Maxkamadeynaya Burcadbadeed Soomaali ah


Архив: лодка с сомалийскими пиратами
Архив: лодка с сомалийскими пиратами

Raggan burcadbadeedda ah oo ay da'doodu u dhaxeyso 18 ilaa 48 jir waxay bishii April isku dayeen inay afduubtaan markab Jarmalka laga leeyahay.

Waxaa dalka Jarmalka ay maanta dacwad uga bilaabatay 10 Soomaali ah oo lagu soo eedeeyay falal burcadbadeednimo ah.

Dacwadan lagu qaadayo 10-ka nin ee Soomaalida ah ee loo haysto dambiyada la xidhiidha budhcad badeednimada ayaa waxaa la sheegayaa in ay tahay tii ugu horaysay ee ka dhacda dalka Jarmalka muddo 400 oo sanadood ah. Waxaana lagu soo waramayaa in wakhtigaasi dadka lagu soo qabto budhcad badeednimada qoorta lagaga goyn jiray dekedaasi ku taalla waqooyiga dalka Jarmalka,ee laakiin haddii markan dambiyadaasi lagu helo ragaasi Soomaalida ah ayaa waxaa la sheegayaa in xukunka ugu adag ee lagu ridi karaa uu yahay 15 sano oo xadhig ah.

Raggaasi Soomaalida ah ayaa sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Faransiiska ee AFP waxaa ay da’doodu u dhaxaysaa 17 jir ilaa iyo 48 jir,waxaana loo haystaa in ay bishii April ee sanadkan ay isku dayeen in ay qafaashaan markab nooca contaaynarada qaada ah oo la yidhaahdo MS Taipan oo laga leeyahay dalka Jarmalka ,markaasi oo isku daygaasi ay fara gelin ku sameeyeen ciidamada badda ee waddanka Holland oo kadib markii ay rasaas is waydaarsadeena ay soo qabqabteen raggaasi budhcad badeeda ah,oo ay dabadeedna u gacan geliyeen dawlada Jarmalka.

Wakhtigaasi la sheegayo in ay budh cad badeedda Soomaalidu ay isku dayeen in ay markabkaasi qafaashaan ayaa waxaa uu marayay meel 900 oo kilo mitir u jirta xeebaha dalka Somalia.

Ururka caalamiga ah ee gaadiidka badaha ayaa sheeggay in ay wakhtigan xaadirka ah ay budh cad badeedda Somalidu haystaan 23 markab oo ay saarran yihiin ilaa shan boqol oo badmaax.

XS
SM
MD
LG