Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jacques Chirac oo la Eedeeyey


Jacques Chirac oo la Eedeeyey
Jacques Chirac oo la Eedeeyey

Madaxweynihii hore ee Faransiiska, Jacques Chirac ayaa lagu eedeeyey inuu lacag si qaldan u bixiyey xiligii uu ahaa Duqa Magaalada Paris

Madaxweynihii hore ee Faransiiska, Chak Chirac ayaa lagu eedeeyey dacwad la xiriirta inuu mas’uul ka ahaa lacago si khaldan loo bixiyey xili uu hayey xilka Duqa Magaalada ee Paris.

Mr. Chirac oo hadda 78 jir ah ayaa haystay xushmad siyaasadeed oo ka ilaalinaysay in la dacweeyo. Sanadihii uu xushmaddaas haystay ayaa ahaa intii u dhexaysay 1995 – 2007.

Mr. Chirac ayaa lagu eedeeyey in maamulkiisu lacago ay lahayd Dawladda Hoose ee Paris uu siiyey dad u shaqeynayey xisbiga siyaasadda ee RPR. Waxa dacwaddan Mr. Chirac ku weheliya toddoba ruux oo kale. Mr. Chirac ayaa la filayaa in maalinta berri ah uu maxkamadda hor yimaaddo si uu uga gar baxo dambiyada loo haysto.

Mr. Chirac ayaa diiday eedaymaha loo soo jiiday, isaga oo sheegay in golaha deegaanka ee magaalada Paris ay ogolaadeen in lacagahaasi la bixiyo oo dhamaanba dadka lacagahaasi lagu shaqaalaysiiyayna ay ahaayeen dad, dhab ahaantii, u shaqaynayay dawlada hoose ee magaalada Paris

Haddii dambigan lagu helo ayaa waxaa lagu soo waramayaa in Mr Chirac uu mudan karo xarig gaaraya ilaa 10 sanadood iyo ganaax ilaa 210 kun oo dollar ah.

Mr Chirac ayaa waxaa uu noqonayaa madaxwaynahii labaad ee dalka Faransiiska soo mara ee maxkamad la soo taago. Hadda ka hor ayaa maxkamad la hor keenay Marshal Philippe Petain oo ahaa madaxwaynahii hogaaminayay xukuumadii Naaziyiinta la shaqaynaysay ee Faransiiska dagaalkii labaad ee aduunka, waxana Mr. Petain lagu helay inuu galay khayaamo qaran.

XS
SM
MD
LG