Nairobi —
Guddiga ganacsatada Soomaalida Suuqa Islii iyo hay’adaha ammaanka ee dowlada hoose ee Nairobi ayaa soo saaray go’aan Xaafadda Soomaalida ee Islii looga mamnuucayo dabaal degyada Calamada qabaa’ilada Soomaalida ee ku nool Xaafadaasi, kuwaasi oo maalmihii lasoo dhaafay kusoo badanayay Xaafadda Islii.
Arrintaan ayaa ka dambaysay kadib isku dhacyo xaafadda Islii ku dhexmaray kooxo u dabaal degayay Calamada qabiiladooda kuwaasi oo isku qabsaday midadabada iyo noocaha calamada ay yeelanayaan.
Cumar Ibraahim Xussein oo ah xoghayaha gudiga ganacsatada Islii ayaa arrintaasi uga waramay Wariyaha VOA-da ee Nairobi Khadar Maxamuud Xareed.
Madal