Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Iskuxirnaanta Amniga iyo Federaalka


Iskuxirnaanta Amniga iyo Federaalka
Iskuxirnaanta Amniga iyo Federaalka

DKMG oo isku diyaarinaysa guluf colaadeed, ayaa hadana waxaa la sheegayaa in haddii federaal-ka la hirgaliyo uu amnigii soo noqon karo.

Dowladda Federaalka ee KMG ayaa in muddo ahba isku diyaarinaysay inay guluf colaadeed ku qaado kooxaha ka soo horjeeda si ay dalka gacanta ugu dhigto awooddeedana u balaadhiso.

Qaar ka mid ah dadka xog-ogaalka u ah siyaasadda ayaa iyagu ku doodaya in haddii la dhiirigaliyo lana taabbagaliyo nidaam Federaal ah iyo waliba furfurida awoodda dhexe ee dowladda Somalia ay taasi qeyb weyn ka ciyaari karto soo celinta amniga iyo balaadhinta awoodda.

Dadka qaba in nidaamka federaalka oo dhaqso loo taabbagaliyo ay soo celin karto amniga waxaa ka mid ah Prof Axmed Muumin Warfaa, hase yeeshee waxaa fikirkaasi diiday Wasiirka Dastuurka iyo federaalka Dowladda Somalia Madoobe Nuunow Maxamed. balse Nuunow wuxuu sheegay inuu qabo fikradda ah in furfurida awoodda dhexe ay soo celin karto amniga meelo badan oo Somalia ah.

Qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso warbixin uu arrimahan ka diyaariyay Haarun Macruuf.

XS
SM
MD
LG