Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Iska-hor-imaad ka Dhacay Maamulka Puntland


3 ka mid ah mucaaradka hal askari oo ka tirsan maamulka Puntland ayaa ku dhintay weerar lagu qaaday Bosaso iyo dagaal ka dhacay Galgala

Wararka ka imanaya gobolka Bari ee maamul goboleedka Puntland ayaa sheegaya in dabley hubeysani ay xalay saqdii dhexe weerar gaadmo ah ku soo qaadday kontoroolka magaalada Boosaaso.

Weerarkaas ayaa waxaa ku dhintay mid ka mid ah kooxdii weerarka soo qaaday, iyadoo uu dhawac ka soo gaaray 5 qof oo rayid ah oo isugu jira rag iyo haween, kana mid ahaa dadkii socotada ahaa ee xiligaas ku sugnaa kontoroolka magaalada Boosaaso.

Ciidamada puntland ayaa saaka dagaal ku qaaday fariisin ay kooxda weerarka xalay soo qaaday ay ku lahaayeen toga Maraje, oo cirifka ku haya buuraleyda Galgala. Khasaaraha dagaalkaan ayaa masuuliyiinta Punland ee ku sugan magaalada boosaaso aanay u soo bandhigin saxaafada, hase ahaatee qaar ka mid ah shaqalaha isbitaalka magaalada Boosaaso ayaa VOA u xaqiijiyey in la keeney dhaawaca 12 askari oo ka tirsan ciidamada Puntland, halkaas oo mikood uu markii dambe ku dhintay gudaha isbatalka.

Waxaa kaloo ay dadka goob jooga ahaa ay sheegeen in qolka maydka la soo dhigay sadex nin oo la sheegay in ay ka tirsanaayeen mucaaradkii la dagaalamayey maamulka puntland.

Goob joogayaal ku sugan goobaha lagu dagaalamay oo ay VOA la xiriirtay ayaa sheegay in dhawaaqa rasaastu uu hadda joogsaday, xaaladuna ay ka degantahay sidii hore.

XS
SM
MD
LG