Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Inka Badan 90 Qof ayaa ku Dhimatay Norway


Inka Badan 90 Qof ayaa ku Dhimatay Norway
Inka Badan 90 Qof ayaa ku Dhimatay Norway

Booliiska dalka Norway ayaa sheegay in weeraradii shalay ka dhacay magaalada Oslo lagu dilay inka badan 90 qof.

Booliska dalka Norway ayaa sheegay in weeraradii shalay ka dhacay dalka Norway lagu dilay, inka badan 90 qof.

Boolisku wuxuu sheegay in ay su'aalo weydiinayaan nin la tuhunsan yahay inuu ka dambeeyay, qaraxyo loo geystay xarumo dowladeed ee ku yaalla magaalada Oslo, halkaasoo ay ku dhinteen ilaa 7 qof.

Ninkaasi la tuhunsan yahay ayaa la qabtay ka dib markii uu rasaas ku furay dhalinyaro ku sugneyd goob ay ku xagaadsanayeen oo ku taalla meel 30 KM dhanka waqooyi ka xigta magaalada Oslo ee caasimadda dalkaasi, halkaasoo uu ku dilay ilaa 84 dhalinyaradaasi ka mid ah.

Dhalinyarada la dilay waxay ka tirsanaayeen xisbiga talada haya ee dalkaasi Norway.

Ra'iisal wasaaraha dalka Norway Jens Stoltenberg, ayaa ku tilmaamay weerarkaasi "mid axmaqnimo ah" oo lagu qaaday "dhalinyaro aan waxba qalabsan".

Ninkaasi weerarka geystay, waxay bileysku sheegeen inuu ahaa nin xagjir ah oo qadiyadeysan.

Weerarkan waa dhacdadii ugu dhimashda badneyd ee Norway ay la kulanto, tan iyo dagaalkii labaad ee adduunka.

XS
SM
MD
LG