Isku xirrada

Ilaalada Safaaradda Israel ee Jordan oo 2 Qof Dilay


Ciidamada amniga Jordan oo ku sugan meel ku dhoww safaaradda

Wasaaradda arrimaha dibedda Israel ayaa maanta sheegtay in askari ilaalo ka ah safaaradda dalkaas ee Jordan uu toogasho ku dilay laba qof oo u dhashay dalka Jordan, kadib markii mid ka mid ah uu ku weeraray kashawiito.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in laba qof oo shaqaale ah iyo qofka iska leh dhismaha safaaradda ay ku sugnaayeen safaaradda Amman, si loo beddelo qaar ka mid ah alaabta.

Waxay sheegtay in mid ka mid ah shaqaalaha uu ilaalada kasoo weeraray dhinaca dambe ka hor inta aan la toogan, islamarkaana ninkii dhismaha lahaa uu goor dambe u geeriyooday dhaawac.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay inay dowladda Jordan kala hadleyso arrintan, islamarkaana ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu uu la hadlay askariga ilaalada ah.

Hay’adda amaniga dadweynaha ee Jordan ayaa sheegtay inay baareyso dhacdadan.

Israel waxay ku warrantay in ilaalada safaaradda ay haystaan xasaanad diblomaasiyeed oo ka hortageysa in la baaro ama la xabiso.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG