Isku xirrada

War Deg-Deg ah

HRW: Askarta Kenya Tacadiyo Ayey Geysteen


Hay’adda Xuquuqul insaanka ee Human Rights Watch is ayaa ku eedeyneysa booliska Kenya iyo askarta dalkaasi inay ku kaceen xad gudubyo fara kabax ah oo ka dhan ah dadka isir ahaan somalida ka soo jeeda iyo sidoo kale muwaadiniin Kenyan askartaas oo aan la marsiin ciqaab ah.

Kooxdan Caalamig ah ee u dooda Xuquuqda Aadanaha ayaa sii deysay warbixin 65 bog ka kooban, oo lagu xusay in ciidamada kenya ay geeysteen tacadiyo baahsan oo dhinaca moralka ah iyo kuwo toos ah.

Tacadiyadaas oo ay ku jiraan, kufsiyo la geystay afar bilood gudahood oo laga soo bilaabo bishii November ee sanadkii la soo dhaafay.

Warku waxa uu intaasi ku darayaa in Dadka Somalida si gaar marka askartu ay ka jawabayaan weeraro lagu qaado oo ay ku qaado kooxda al-Shabab iyo taageerayaashooda.

XS
SM
MD
LG