Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hoobiyayaal dad ku dilay Xamar-Wayne


Duqayn ka dhacday Muqdisho ayaa geysatay dhismasho iyo dhaawac. Hoobiyayaal ku dhacay Xamar-Weyne waxaa ku dhintay 7 qof oo rayid ah.

Duqayn culus ayaa maanta galinkii danbe mar kale ka bilaabatay deegaano ka tirsan magaalada Muqdisho.

Goobaha ay madaafiicdu ku dhaceen waxaa ka mid ah suuqa dagmada Xamar-Wayne halkaas oo ay ku geeriyoodeen ilaa 7 qof oo 4 ka mid ah yihiin haween danyar ah oo midkood xaamilo tahay kuwaasoo la sheegay in ay suuqaasi ka shaqaysanayeen, waxana sidoo kale madaafiicda ku soo dhacday dagmada xamar wayne ku dhaawacmay 16 qof oo rayid ah.

Dhinaca kale madaafiic isla galinkii danbe ee maanta ku soo dhacday xero ay dagan yihiin dad barakacayaal ah oo ku taalla inta u dhaxaysa isgoyska Benaadir iyo isbitaalkii hore ee Digfeer ayaa waxaa ku geeriyooday 2 qof waxana ku dhaawacmay ilaa 4qof oo kale

Duqayta galabta waxaa ka horeeyay duqayn kale oo maanta galinkii hore ka dhacday magaalada taasoo saamayn ku yeelatay gudaha suuqa bakaaraha oo ay madaafiic ku soo dhacday uu ku geeriyooday 1 qof, 4 kalana ay ku dhaawacmeen

XS
SM
MD
LG