Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Libya: Mucaaradka oo u Guuraya Tripoli


Libya: Mucaaradka oo u Guuraya Tripoli
Libya: Mucaaradka oo u Guuraya Tripoli

Golaha Mucaaradka Liibiya ayaa Sheegay inay u rarayaan Xafiiskooda Hoggaanka Siyaasadda Magaalada Tripoli

Golaha Qaranka ku meel gaarka ah ee Libya ayaa sheegay inuu ka soo rarayo xafiiskiisa hogdaanka Siyaasadda dhinaca Magaalada ay ku xooganyihiin Mucaaradka ee Banghazi oo ay u rarayaan Caasimadda Tripoli.

Sarkaal ka tirsan Golaha oo lagu magacaabo Ali Tarhuuni, oo masuul ka ah dhinaca maaliyada Golaha ayaa Qamiistii ku dhawaaqay in Golahaasi ay ka howl bilaabayaan Tripoli.

Dhawaqa ka soo yeeray Mucaaradka ayaa ku soo beegmay xilli hogaamiyaha dagaalka uu heysto ee Libya Mucamar Al-qadafi uu ku booriyay taageerayaashiisa ineey kacdoon sameeyaan oo ay ka adkaadaan mucaaradka isku dayaya ineey isaga xukunka ka tuuraan

Fariin cod ah oo gaaban oo qamiistii la sii daayay ayuu Col Qadaafi ku tilmaamay kuwa ka soo horjeeda –ineey yihiin jiir ku soo duulay- waxuuna cambaareeyay doorka gacamaha shisheeye ay ku leeyihiin arinta Libya

Dhinaca kale dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada Qadafi iyo Mucaaradka ayaa ka sii socday ugu yaraan laba meelood caasimada Triboli.

XS
SM
MD
LG