Dwoladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay inaanu jirin heshiis lala galay shirkadda Saracen International.
Wasiirka warfaafinta Cabdikariin Xasan Jaamac ayaa sheegay in aanu jirin qoraal la kala saxiixday oo ku saabsan heshiiska la sheegay in shirkadda Saracen lala galay.
Hase yeeshee xildhibaan Cumar Islow Maxamed oo ka tirsan baarlamaanka KMG ah ayaa VOA-da u sheegay in baarlamaanku uu u baahan yahay in faah faahin dheeraad ah, ayna ka sugayaan ra'iisal wasaaraha KMG ah Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.