Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hay'adda World Vision iyo Al-Shabaab


Hay'adda World Vision iyo Al-Shabaab
Hay'adda World Vision iyo Al-Shabaab

Kooxda Al-Shabaab ayaa hakisay laba xarumood oo gar-gaar ah oo hay’adda World Vision ay ku leedahay Bay iyo Bakool, balse afhayeenka hay’addaasi ayaa beeniyay in howshoodii la hakiyay.

Wararka imanaya gobolka Bay ayaa sheegay in Shababku ay albaabada u xidheen laba xarumood oo ku kala yaala Waajid iyo Baydhaba oo lagu quudin jiray caruurta nafaqadarro hayso iyo dadka qaba cudurka TB-da. Al-shabaab ayaa la sheegayaa inay si KMG ah labadan xarumood u xidheen, iyago ka dhex wada baadhitaanno aan la ogeyn ujeedda ka danbeysa.

Wararka ayaa sheegaya in howshooda ay wataan xarumaha kale ee hay’adda World Vision ay ku leedahay gobollada Bay iyo Bakool.

Afhayeenka World Vission u joogta Nairobi Amanda Koech ayaa Laanta Af-Somaliga ee VOA-da wareysi ay siisay ku beenisay in Al-Shabaab ay hakisay howshii xafiisyada ay ku leeyihiin gobollada Bay iyo Bakool ee dalka Somalia.

Afhayeenku waxay sheegtay in shaqaalaha hay’addu ay howshooda ka wadaan Waajid,Baydhabo,Tiyeglow,Buurhakaba iyo Bardaale.

Af hayeenku, waxay beenisay in maleeshiyada Al-Shabab ay isku wareejiyeen xafiisyada ay hay’addu ku leedahay gobolladaasi.

La Xiriira

XS
SM
MD
LG