Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Haweenay loo gacan galiyay dowladda Ethiopia


Hoggaanka Kililka 5aad
Hoggaanka Kililka 5aad

Bishaaro Wacdi Shaqlane oo ah Haweenay ka soo jeeda Soomali Galbeed ayaa la sheegay in booliska Somaliland ay gacanta u galiyeen Ethiopia.

Bishaaro Wacdi Shaqlane oo ah Haweenay ka soo jeeda Soomalida Ethiopia ayaa la sheegay in ciidamada Bileyska Somaliland ay gacanta u galiyeen dowladda Ethiopia.

Dad ka mid ah ehelada gabadhaasi ayaa sheegay ina Bilayska Somaliland ay guriga haweenaydaasi kala baxeen kadibna la waayay meel ay jaan iyo cidhib dhigtay. Hoggaanka Amniga dowladda deegaanka Somalida Ethiopia Cabdi Maxamud Cumar ayaa qirtay oo caddeeyey in Haweenaydaasi gacanta lagu hayo oo xabsiga Jiggiga la geeyay, balse Cabdi wuxuu sheegay in haweenayda laga qabtay gudaha dalka Ethiopia

Cabdi Maxamuud wuxuu sheegay in Haweenaydan loo haysto kaalintii ay ku lahayd qarax 2007-dii ka dhacay xaflad lagu qabtay Jigjiga oo lagu xusayay sanadguuradii ka soo wareegatay markii talada laga tuuray dowladdii hore ee Ethiopia.

Hay’adda Xuquuqda Adanaha ee African Rights Monitor oo fadhigeedu yahay dalkan Maraykanka ayaa ka hadashay xaaladda Bisharo Wacdi Shaqlane. Maxamed Ciise oo isagu Ururkaasi xubin ka ah ayaa beeninayay wararka ku saabsan in Bishaaro Shaqlane laga soo qabtay meel deegaanka Somalida ee Ethiopia ah. Maxamed Cismaan wuxuu kaloo beeniyay danbiyada loo haysto ee ah inay qarax Jigjiga ka dhacay ku lug lahayd.

Bishaaro Wacdi Shaqlane waa haweenay 50 Jir ah oo dhashay afar carruur ah oo qaarkoood ay carruuro sii dhaleen .Waxaana ay labadii sano ee u dambaysey deganayd magaalada Hargiesa ,iyada oo ka diiiwaan gashanayd
hayadda Qaxotiga .

VOA-du waxay la xiriirtay wasiirka arrimah gudaha ee Somaliland C/Lahi Ismaciil Cirro iyo wasiirul dowlaha arrimaha gudaha Farxaan Jamac Ismaciil, haseyeeshee labaduba way ka gaabsadeen inay ka hadlaan arrintaasi.

Qeybta hoose ee qoraalka ka dhagayso warbixinta.

XS
SM
MD
LG