Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hague: Lacag loo Ururiyay Abaaraha


Hague: Lacag loo Ururiyay Abaaraha
Hague: Lacag loo Ururiyay Abaaraha

Hay'adda samafalka iyo hourmarinta ee Nedsom ee fadhigeedu yahay dalka Holland ayaa hormuud ka noqotay deeq lacageed oo loo ururiyay abaaraha.

Soomaali iyo ajaanib ku dhaqan dalka Holland ayaa magaalada Hague ku qabtay xaflad lagu soo bandhigayay deeq lacageed oo loo ururiyay gurmadka abaaraha ee dalka Soomaaliya.

Hawshaasi deeq ururinta waxaa hormuud ka ahayd hay’adda samafalka iyo horumarinta ee NEDSOM, ee fadhigeedu yahay dalka Holland.

Hadaba Agaasimaha hay’addaasi Guuleed Yuusuf Axmed ayaa VOA u sheegay inay ururiyeen inka badan $50,000 oo ay ugu talagaleen dadka ay abaaruhu ku dhufteen ee Soomaaliya.

Guuleed ayaa sidoo kale sheegay in hay'adda muwaadiniin ka soo jeeda dalka Turkiga ee iyagu ku nool dalka Holand ay si weyn ugala qeyb qaateen ururinta deeqdaasi.

XS
SM
MD
LG