Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hadalka Roobow Ma daboolayaa Khilaafka Shabaab?


Hadalka Roobow Ma daboolayaa Khilaafka Shabaab?
Hadalka Roobow Ma daboolayaa Khilaafka Shabaab?

Dadka aadka ula socda arrimaha Geeska Afrika waxay aaminsan yihiin in khilaafka al-Shabaab uu bilow yahay, balse laga yaabo inuu ka sii daro.

Ku xigeenka labaad ee hogaamiyaha kooxda al-Shabaab ee dalka Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abu Mansuur) ayaa beeniyay in uu khilaaf ka dhex jiro hogaamiyeyaasha Ururka al-Shabaab.

Roobow ayaa hadal ka jeediyay Jimcihii masjid ku yaalla magaalada Muqdisho, wuxuuna been aan sal iyo raad lahayn ku tilmaamay wararka sheegaya in khilaaf uu soo kala dhexgalay hogaanka sare ee Ururka al-Shabaab.

Balse Faysal Cabdi Rooble, Tafaftira Wardheer News ayaa sheegay in hadalka Sheekh Mukhtaar Roobow uusan meesha ka saari karin khilaafka muuqda ee soo kala dhexgalay ururka al-Shabaab.

Wuxuu kaloo sheegay in khilaafkaasi laga yaabo inuu ka dhashay ka dib markii Roobow iyo shakhsiyaadka ku fikirka ah ay garowsadeen in aysan horusocod sameyneyn siyaasadda ay ku dagaalamayaan, Axmed Cabdi Godane iyo ajaanibta kalena ay ku adkeysanayaan in sidaa lagu dagaalamo.

XS
SM
MD
LG